Al-shabaab oo Sheegtay Qarax Ka Dhacay duleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu dambeeyey Ee Naga soo gaaray Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxay sheegayaan in khasaaro uu gaaray Ciidamo katirsan Booliska Degmada Afgooye.

Waxa uu Sheegay in sargaal katirsan Ciidamada Amniga Afgooye in Qaraxaasi uu ka bad baaday Taliyaha La weeraray Ee Saldhiga Afgooye.

Ilaa Seddex Askari ayaa ku dhaawacmay sida xogta lagu helay Qaraxaas oo ahaa miino gaari ay la socdeen uu haleelay xilli Ay Xaawo Cabdi Marayeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxaasi inkastoo aysan soo bandhigin Khasaaraha inta uu la eg yahay hadana waxay xaqiijiyeen in Taliyaha Booliska Afgooye ay beegsadeen.

Taliyaha la weeraray oo lagu magacaabo ayaa ka jawaabi waayey taleefoonkiisa oo warbaahintu la xiriirtay si wax looga weydiiyo Qaraxa lagu weeraray iyo khasaaro hadii uu soo gaaray isaga.