Al Shabaab oo sheegatay inay howlgalo “Amni Sugid” ka fuliyeen Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

Tan iyo markii Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka billowday dagaalka ay kula jirto ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada, waxay la yimaadeen xeelad cusub oo ku ogaanayaan bulshada iyo dadka ka ganacsada daroogada.

Ka dib markii ay dileen qaar kamida kooxaha ka ganacsatada daroogada iyo hogaanka ciyaal weerada ayaa waxaa gabi ahaanba xirmay goobaha lagu iibiyo maandooriyayaasha, goobaha Muusigada lagu ciyaaro, gaar goobaha dhalinyarada ku  dhuuqdo shiishada ee magalaada Muqdisho.

 Ganacsatada  iiibisa taabuuga iyo daroogada ayaa sheegay in goobahooda ganacsi ay marar kala duwan yimaadeen hal ilaa labo dhallinyaro iska dhigay inay dadka daroogada isticmaalaan, laaakiin ah dhalinyaro ay soo direen kooxda Al Shabaab si ay u ogaadaan waxyaabaha lagu iibiyo goobahaas.

Marka la ogaado in Daroogo lagu iibiyo Goobahaas, Al Shabaab oo u socda koox koox ayaa soo weerara goobahaas kuna dila kooxaha lagu tumayo inay iibiyaan daroogada.

Dhinaca kale, labadii habeen ee u danbeeyey ayaa degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa waxa ay dhalinyaro ku caweyneysay goobaha shaaha laga iibiyo, xaqiijiyeen inay arkeen maleeshiyo hubeysan oo wajiyada u qarsanaa, kuwaasoo dhalinyarada ka baarayay daroogada iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Dhallinyaro dhacdadaas habeen hore ku qabsatay Xaafada Xaliimo Heyti ee degmada Kaaraan ayaa  sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay yimaadeen labo maaqayad oo shaaha laga cabo.

Dhalinyaradii ku sugneyd maqaayadahaas ayaa dhamaantood jeebabkooda laga baaray taabuuga iyo waxyaabaha maanka qofka dooriyo, kadibna maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa si nabdoon goobta uga tagay markii ay daroogo ka waayeen dhallinta ay baareen, ayaga oo aan ka qaadan wixii kale ee ay haysteen.

“Ilaa sagaal nin oo hubeysan ayaa hal mar ka war helnay iyagoo dhinacyada naga taagan, waxay inoo sheegeen inaan is dejino, wax dhib ahna uusan jirin, kaliyana ujeedkoodu yahay inay naga baaraan daroogo iyo tubaakada taabuuga, markii ay na baareen oo dhallinyaradii ka waayeen wax daroogo ah, waxay inoo sheegeen in qofkii lagu helo ay nafta dhaafsiin doonaan, noomana sheegin cidda ay yihiin iyo halka ay ka tirsan yihiin, laakiin waxaan ogaanay inay ahaayeen Al-Shabaab markaan aragnay muuqaalkooda,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ahaa dhallinyaradaas.

Al-Shabaab ayaa toddobaadkaan shaacisay in Muqdisho kula dagaalameyso kooxaha daroogada ka ganacsada iyo ciyaal weerada, iyadoona ka dhabeysay, waxayna fuliyeen dhowr howlgal oo ah qaraxyo ay ku burburiyeen xarumo lagu iibin jiray daroogada, sidoo kale waxay toogteen dhow dhallinyaro oo ku lug lahaa ganacsiga daroogada.

Howlgallada Al-Shabaab ee Muqdisho ka billowday ayaa sababay inay durba yaraadaan ciyaal weerada iyo in si tuuganimo oo qarsoodi ah dadka u kala iibsadaan daroogada iyadoo dhinacyada la iska fiirinaayo. Tallaabooyinka Al-Shabaab ayaa ceeb weyn ku ah dowladda federaalka oo muddo wax ka qaban waysay ciyaal weerada iyo ka ganacsiga daroogada.