Al Shabaab oo sheegtay inay Goof-gaduud ku dileen ciidamo ka tirsan DKG

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ay ku qaareey deegaanka Goofgaduud oo ah degaan ay ciidanka Koonfur Galbeed ku leeyihiin sal dhag ciidan ay ay weerar  ku qaadeen halkaas oo ay ku dileen ciidan  ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Weerarka Al Shabaab ka dib ayaa waxa gabi ahaanba la damiyay qalabka isgaarsiinta ee deegaankaas. Waxa la sheegayaa in ay aska badan oo  ka tirsan ciidanka Dowlada ee halkaas ku sugnaa  ay ku dhinteen weerarkaas.

Dhanka kale Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed sheegay ayana iyadana sheegatay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay weerarkaan, waxaana la sheegay in looga gubay gaadiid dagaal.

Dagaalka waxaa iska kaashaday ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed. Goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah degen, waxaana madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhiirri galiyay ciidamadu inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.