Al-shabaab oo sheegtay inay duleen askar ka tirsan ciidanka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu kadib markii ay qarax miino la beegsatay kolonyo ciidan.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kolonyadaas lagu beegsaday xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kinyonga iyo Mirani oo ka tirsan Gobolka Laamu.

Dowladda Kenya weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!