Al Shabaab oo sheegtay inay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga Dalka

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al Shabaab ayaa war kasoo saartay dil ay magaalada Muqdisho ugu geeysteen sarkaal katirsanaa ciidanka Xooga dalka ee Soomaaliya, kaa oo maanta lagu aasay qabuuraha ciidanka milatariga ee kuyaalla isbitaalka Xoogga.

Al Shabaab ayaa sheegtay in khamiistii weerar ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan  Korontada ku beegsadeen  kuna dhaawaceen kuxigeenkii madaxa hogganka howlgalinta Ciidnaka xoogga dalka Soomaaliyeed Kabtan Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud.

”Waxay Mujaahidiintu – Allaah fadligiis – 29 kii bisha Ramadan 1444H, oo waafaqsaneyd 20 Abriil 2023 howlgal gaar ah ku beegsadeen Cabdicasiis Maxamed Maxamuud kaas oo ahaa saraakiisha ciidanka dowladda oo ay ku raadjoogeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalkan ay dileen ciidanka dowladda u qaabilsana ahagida diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha fuliya , waxa ayna sheegeen sargaalkan in uu tababar kusoo qaatay dalka Mareykanka.

“Sargaalkan oo tababaro dhawr ah kusoo qaadatay wadanka Maraykanka ayaa xilligaan ku magacawnaa waxa loogu yeero taliye ku xigeenka howlgalada ee wasaarada gaashaandhigga , iyo madaxa howlgelinta ciidamada Danab ee Mareykanku leeyahay . Wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha Drones-ka ee duqeymaha u geysta dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Sargaalkan dilkiisa Al Shabaab sheegteen in ay ka dambeeyeen ayaa xalay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac maalmo kahor u geesteen kooxo hubeesan, waxaana duugta sargaalkan saakay ka qeyb galay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.