Al Shabaab oo sheegtay in ay weerar ku qaadeen  ciidamada Jubaland 

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegatay in ay xalay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ay ku lahaayeen degaanka Diif ee gobolkada Jubbada hoose ee Soomaaliya.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in maleeshiyaadku ay la wareegeen saldhigaas oo ay gacanta ku dhigeen Baabuur iyo Saanad milateri oo ay sheegeen inay ka carareen ciidamadii Saldhiga ku sugnaa.

Weli kama hadlin weerarkaasi Maamulka Jubbaland, dowladda federaalka iyo dowladda Kiiniya oo ciidamadeedu ay caawiyaan ciidamada Jubbaland ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Alshabaab.

Maleeshiyaadka Alshabaab ma sheegin in tirada askarta iyo maleeshiyaadkooda ee ku dhintay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here