Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Qarax Dhulka la galiyay lala eegtay.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Deegaanka Muuri, ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari Taaw ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda ee lagu tababaray saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 10-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,6-kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha hoose.