Al-shabaab oo sheegtay in ay dishay Askar badan oo Itoobiyaan ah!!

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Ethopia iyo Xarakadda Al-shabaab oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa jidka u galay Ciidamo Ethopia ah oo u socdaalayay deegano kale oo ka Tirsan Gobolka Bakool.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac,islamarkaana labadda dhinac ay isku adeegsadeen hubka nooocyadiisa kala duwan.

Warar Shabaab ay ku baahiyeen warbaahintooda ayay ku sheegeen in dagaalka lagu dilay 12-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Malatariga Ethopia,sidoo kalana lagu gubay gaadiid dagaal ay la socdeen Ciidamadda Ethopia.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!