Al Shabaab oo sheegatay in ay 64 askari ku dileen weerarkii Awdheegle

Reading Time: < 1 minute

Kooxda argagaxisada Al-shabaab ayaa baraheeda bulshada soo dhigay  qoraal sheegaya in ay ku dhileen degamada Awdheegle  54 aksaro  ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia. Dhimashada ciidanka ayaa yimdi ka dib markii Al Shabaab weerarro is-daba-joog ahaa oo ay ku qaadeen shalay saldhig ay ciidamada DF ku lahaayeen degaanka Aw-dheegle oo 70-km u jirta Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale warbixin ay daabacay wargeyska lagu magacaabo Arab News ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay weerarkaas ku naf-waayeen dad shacab ah, waxaana weerarka uu soday muddo dhawr saacadood ah, inkastoo DF ay iyaduna dhankeeda dagaalkan ka sheegatay guulo.

Waa markii ugu horeeysay ay kooxda Al Shabaab ay weerar saacado qaatay ku qaadaan saldhig ciidan oo ay leeyihiin Ciiidanka Xooga Dalka oo ku yaalo degaanka Shabeelada Hoose.

Qof ku sugnaa deagaanka weerarka ka dhacay ayaa yiri “Qaraxyo waaweyn ayaan maqalnay, waxay ahaayeen laba qarax, waxaana xigtay dagaal saacado socday, waxaana arkay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan,” .

Xaliimo Faarax oo dukaan ku leh deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegtay iyaduna warbaahinta in ciidamada DF ay gacanta ku hayeen Aw-dheegle, isla markaana weerarka dhacay uu sababay khasaare xoog leh oo soo gaartay labada dhinac.

Dhaka kale, Taliyaha hawl-gelinta ciidamada xoogga Somalia, Jen. Yuusuf Raage Odawaa oo isaguna warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in weerarradii Al-shabaab ay iska difaaceen, ayna ka dleen malleeshiyo aad u badan, dhankoodana ay waayeen tiro ciidammo ah.

“Qaraxyada kaddib waxay isku dayeen inay saldhigga galaan, laakiinse jab ayaan u geysannay, welina waan ku daba-jirnaa. Ciidamada ay sheegeen inay dileenna waxba kama jiraan,” ayuu yiri Jen. Yuusuf Odawaa.