Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dhoowr gaari kala wareegeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaalia kadib Dagaal kadhacay Deegaano kamid ah Gobolka Shabellaha Dhexe.
Al-Shabaab ayaa tirade Gawaarida ay lawareegwen waxa ay ku sheegeen ilaa iyo labo gaari oo nuuca Dagaalka ah waxa ayna intaasi raaciyee in ay Dileen Askar Gaaraysa ilaa 10 Askari oo kamid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaalia.
Majiro ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxaya Saraakiisha Ciidanka Xooga oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab oo ah in ay Gaadiid Dagaal Cidanka Dowladda kalawareegeen.