Al Shabaab oo sheegatay weerarkii lagu qaaday ciidanka Kenya ee ku sugan Gaarisa

Reading Time: < 1 minute

War ay soo saartay kooxda  Al-shabaab ayaa  ay ku sheegatay in ay  weerar ku qabsatay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka  Kenya kaas oo ku yaal degaanka  Yuumbis ee ka tirsan Gobolka Gaarisa.

ASl Shabaab ayaa ku sheegtay warbaahinteedda in ay qabsadeen saldhigga Ciidanka Kenya ee Yuumbis islamarkaana ay dab qabadsiiyeen Xaruntii Sharikadda Isgaarsiinta Safaricom ee degaankaas. Al-shabaab ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas ee ay dhinacooda u geysteen Ciidamada Kenya ee degganadaa degaanka Yuumbis oo xalay saqdii dhexe ay weerareen.

Dowladda Kenya  ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in sadax ka mid ah Al-shabaab ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay Yuumbis. . Dowlada Kenya ayaa sidoo al kale xaqiijisay in xarunta Safaricom ee Degaanka Yuumbis ay bur buriyeen AL-shabaab.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino, ayaa sheegay in aysan jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkii xalay ka dhacay duleedka Gaarisa.