Al Shabaab oo sheegatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al-shabaab oo ka hadashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa ayaa sheegatay Mas’uuliyadiisa, iyagoona tilmaamay in qaraxaas ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil caddaan tababarayaal Melleteri ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyay ruux naftii hure ah oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda, kaaso gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah, xili ay marayeen inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalo ay Shabaab ku daabaceen baraha ay ku leyihiin Internetka in khasaare xoog leh ay u geysteen kolanyada gadiidka ah, islamarkaana uu qaraxu haleelay mid ka mid ah gaadiid galbinaayay saraakiisha cadaanka ah halkaasna ay ku dhinteen askar Afrikaan iyo Soomaali isugu jirta, walow aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen weerarka Ismiidaaminta ah.

Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab khasaaraha ka dhashay weerarka Ismiidaaminta ah, Booliiska Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay khasaaraha qaraxa ayaa sheegay iney ku dhinteen weerarka ilaa 8 ruux 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qoraal Al-shabaab barahooda qadka ku faafiyeen ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof uu bartilmaameedsaday gaadiid gelbinayay Saraakiil Caddaan ah oo kasoo baxay Xerada Tababarka Jeneraal Goordon.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!