Al Shabaab oo sheegatay in ay weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya. Al-shabaab ayaa weerartay guriga sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

Sarkaalka ayaa la sheegay wakhtiga weerarku dhacay in uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay. Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan.