Al Shabaab oo sheegatay in ay dileen in ka badan 20 askari oo Itoobiyaan ah

Reading Time: < 1 minute

Ururka  Al-shabaab ayaa  sheegtay in ay qaraxyo shalay kula eegteen  Ciidamada Itoobiya duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay( Koonfur Galbeed Soomaaliya). Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay inn qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Qansaxdheere kuna sii jeeday Bardaale halkaasna khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale Al-shabaab waxay sheegtay in ay ilaa lix qarax la beegsatay kolonyadaas inkastoo aysan faahfaahin nooca qaraxyada in ay ismiidaamin ahaayeen iyo in ay miino la aasay ahaayeen.

 Al-shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya lagu dilay qaraxyadaas halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ha yeeshee Taliska Ciidamada Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyada lala eegtay ciidamadooda iyo sheeshagashada Al-shabaab midna.