Al Shabaab oo sheegatay dilkii Cali Dhiif

Reading Time: < 1 minute

War ay kooxda Al Shabaab ku baahisay warbaahinteeda  ayaa ay ku sheegatay  masuuliyada dil xalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geestay Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug.

Kooxda  Al Shabaab ayaa warkeeda ku sheegatay  in dagaalyahano ka tirsanaa kooxdooda ay ka dambeeyeen dilka loo geestay Cali Dhiif ay sheegeen in uu ahaa sargaal katirsanaa Nabad sugida Galmudug horeyna dhibaatooyin u geestay.

Al Shabaab ayaa ku eedeysay Marxuun Cali Dhiif in uu nin  dambi ka galay shacabka Gobolka Mudug sidoo kale qeyb ka ahaa howlgal ciidamada Galmudug kusoo qab qabteen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo kasoo firxaday deegaanada Garacad iyo Suuj sanadkii 2016-kii.

Dhanka kale dilka lagu dilay Cali Dhiif   ayaa sabab u noqday in dabley hubeesan oo ninkan ku heyb ahaa in ay laayeen dad ka badan 10-qof oo badankood ay kasoo jeedeen deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.