Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay magacyadda Ragii weerarka Qaraxyadda ku bilowday ku qaaday hoteelka Maka Almukaramah ee magaaladdda Muqdisho.
Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa baahisay Barnaamij gaar ah oo lagu wareysanayo raggii fuliyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee dhowaan ka dhacay Hoteelka Makka Al Mukarrama.
Barnaamijkan waxaa codadkooda lagu dhageysan karaa Afar dagaalyahan oo ahaa kuwii fuliyay weerarka waxayna ka sheekaynayaan waxa ku dhaliyay fulinta howlgalkan iyo taariikh nololeedkooda.
1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday gaariga 1aad ee qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray ragga is qarxiya ee Al-shabaab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe.
2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim,hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay, waa 24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay deegaanka Rabdhuurre.
3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay gurigii uu ku jiray.
4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab.
Weerarkii Lagu qaaday hoteelka Maka Almukaramah ee magaaladda Muqdisho,ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux.