Al Shabaab oo shaacisay in dalka lagu baahinayo isticmaalka “Luuqada Islaamka” ee Carabiga

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab oo waayahan danbe dalka ka waday dhaq-dhaqaaq diinta lagu barayo dhalinyarada iyo Odoy dhaqameedyada ayaa waxa ay hada ku baaqeen   in dageenada ay ka taliyaan ka bilaabayaan ol’ole lagu Carabiyeynayo shacabkla Soomaaliyeed ee ku dhaqan deeganadaas.

Uruka Al-shabaab ayaa soo saaray amar cusub oo lugu amrayo shacabka ku dhaqan degaannadaasi hoos yimaada , in ay bilaabaan in ay iska diiwaan galiyaan xaqrumaha dadka lagu barayo luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta.

Madaxa  Al Shabaab ee degaanka Jubooyinka  Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa  markii ugu horeeysay waxa uu daah furay Munaasad lagu soo bandhigay in dadku bartaan luuqada Carabiga,waxa uuna sheegay in laga doonayo shacabka Soomaaliya barashada Luuqada Carabiga.

Al Shabaab ayaa dugsiyada waxa lagu barto  ku amray in ay waxbarashada caruurta ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaa ayna  ku goodiyeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi.

Ma aha kaliya in dadka dhacaka la barao luqada Carabiga balsoe waxaa sidoo kale la amray goobaha ganacsiga in  boorarka ogaysiisyada ku qoraan luuqadda Carabiga, halkii lagu qori lahaa Af-Soomaali, si loo dhiirri-geliyo barashada luuqadda Carabiga.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!