Al-shabaab oo saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Dagaallamayaal ka tirsan Xoogagga Al-shabaab ayaa saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe. Al-shabaab oo subaxnimadii hore ee saaka weerar ku qaadday degmada Balcad ayaa saacado gacanta ku hayay magaalada sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa isaga baxay Balcad kadib dagaal khasaare dhaliyay oo  dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab. Sidoo kale weli faahfaahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka Balcad ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay weheliyaan AMISOM.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!