Al-Shabaab oo qoortay ka rag Marko Raashin u waday!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab ay ku gowraceen duleedka degmadaasi labo ruux oo la sheegay inay raashiin u wadeen degmada Marko.

Labada ruux ee Al Shabaab ay gowraceen ayaa la sheegay inay Gaari Dameero ku wadeen raashiin, iyadoo lagu qabtay deegaanka Buulo Dhurrow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana deegaanka uu u dhaxeeya Janaale iyo deegaanka Buufow.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada ruux ay qabteen xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, islamarkaana ay ku gowraceen deegaanka, waxaana ay kasoo horjeedeen raashiinka ay wadeen.

Al-Shabaab ayaa horay u mamnuucay in Gudaha Magalada Marko aysan geli karin Gawaari raashin wada, waxaana arrintaan loo aaneynayaa inay ka dambeysay amarkii ay horay u soo saareen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada Marko oo aan la xiriirnay ayaanan wali ka hadlin dhacdada labada ruux Al Shabaab ugu geysteen duleedka degmada Marko.

Al Shabaab ayaa go’doomiyey deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool waxaana adag in raashiinka dadweynaha cunaan loo marsiiyo dhulka