Al Shabaab oo Qarax Khasaare Xoogan Geestay La Eegtay Ciidamada Kenya Kula Eegatay Deegaano Hoosyimaada Magaalada Mandhera

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa barkhanimadii maanta qarax khasaare dhaliyay waxaa lagula eegtay deegaan hoosyimaada magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Mintidiinta Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay tilmaameen inay qarax la heleen gaari nuuca Kooyalka loo yaqaan oo marayay deegaanka Yad oo u dhaxeeya Dhamase iyo Ceelwaaq.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba uu burburay gaariga la beegsaday, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii saarnaa gaariga.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada Kenya kama aanay hadlin qaraxan ay Ururka Al Shabaab sheegteen inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidanka Booliska Kenya.

Al Shabaab ayaa todobaadkii tagay waxa ay sidan oo kale qarax ula eegteen ciidanka Millatariga Kenya, wuxuuna qaraxaasi ka dhacay Lamu, sida muuqata Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Kenya.