Al Shabaab oo Miinooyin Ku Aasay Hareraha Wadoyinka Deegaano Dhaca Gobolka Bari ee Maamulka Puntland

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka PSF ee Amniga deganada Puntland ayaa qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aasayn Wadada isku-xirta degaannada Balli-khadar iyo Galgala ee gobolka Bari sida lagu xusay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF oo muddooyinkii dambe hawlgal ballaaran ka waday waddooyinka u dhexeeya degaannada Bali Khadar, Majiyahan, Maraje, Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Calmadow ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan ilaa 4 miino oo Al-shabaab ay doonaysay in ay ku dhibaatayso ciidamada Puntland.

Taliska PSF aya sidoo kale sheegay in mudadii ay hawlgal ku jireen ay shacabka degaannaas la yeesheen kulmo wacyi-gelin ah oo ku saabsan gacan-siinta ciidamada difaaca maamulka Puntland ee dagaalka kula jira malayshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab,waxaana talisku ballan qaaday in ay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka Al-shabaab.