Al Shabaab oo markale dad rayid ah ku toogtay degaanka Kuunya Baroow

Reading Time: < 1 minute

Ururka  Al Shabaab, ayaa deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellah hoose waxa ay goob fagaare ah ku toogteen ilaa 8 ruux oo aay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al-shabaab ayaa ku eedeyay dadka rayidka ah oo ay toogteen in lagu helay basaasnimo ah iney u basaasayeen Sirdoonka Mareykanka, gaar ahaan diyaaradaha Drone-ka Mareykanka. Waxa ay sidoo kale sheegeen Al-shabaab in raga la dilay dhamaantood aay qirteen dambiyada lagu eedeyay ee ah basaasnimada waxaana lagu toogtay goob fagaare ah oo boqolaal dadweyne ah aay kasoo qeyb galeen.

Magacyada sideeda ruux ee shalay galinkii dambe lagu toogtay deegaanka Kuunya Baroow ayaa kala ah.

1- Calas Cali Cabdulle oo da’diisu aheyd 51 sano jir.

2- Cabdiwaaxid Cabdullaahi Diriye oo isna ahaa 25 sano jir.

3- Cabdiqaadir Maxamed Abow oo loo yaqiinay Cabdiqaadir Bambiiste.

4- Abuu Cabdinuur Fanaay, oo loo yaqiinay Abuu Weershe oo 35 sano jir ahaa.

5- Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow oo ahaa 36 sano jir.

6- Xasan Cabdulqaadir Cumar oo loo yaqiinay Xasan Baariyoow oo ahaa da’diisa aheyd 31 sano jir.

7- Abuukar Cabdi Cumar oo loo yaqiinay Abuukar Baseey oo dda’diisa aheyd 31 sano jir.

8- Jeylaani Mayow Sheekhuna oo isna da’diisa ahayd 41 sano jir.

Toogashada sideedan ruux ay ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka dhigeysa tirada dadka aay toogasho ku dileen muddo 4 maalin gudaheed ah 24 ruux oo dhamaantood ku eedeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Nasiib xumo, dowlada Federaalka marnaba kama aysan hadlin dadka rayidka ah ee sida arxan la’aanta ah loogu dilaayo deegano ka tirsan dalka.