AL Shabaab oo magalada Xaradheere gudaheeda ka baxay qaab cusubna la yimid

Reading Time: < 1 minute

iyada oo ay maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii badanayaa diyaaradaha dagaalka ee duqaynaya kooxda Al Shabab ayaa wararka MOL ka soo gaaraya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ay sheegayaan in kooxda Al-shabaab ay isaga baxeen gudaha degmada taas oo qayb ka qaabka cusub oo ay doonayaan in ay u difacaan degeenada ay gacanta ku hassan. Talabadan ayaa timid  kadib markii ay kordheen diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha ka fulinaya degaanada hoos yimaada degmadaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen,waxaana cidlo ah Saldhiga iyo xarunta Degmada, maadaama halkaasi ay ku lahaayeen Fariisimo.

Ka bixitaan Al-Shabaab ee Degmada xarar-dheere ayaa waxaa loo sababeeyey in ay dulqaadan waayeen duqemaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan degaanada ka tirsan gobolkaa Mudug.