Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Masagawaay khasaare badan ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo kooxda Shabaab saaka ay ku qaaday Degmada Masagaway ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo oo uu xigay dagaal toos ah ay koxoda ku qaaday deegaanka oo fariisimo ay ku lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.
Weerarkaan oo la filayay in uu dhaco ayaa ciidankii difaaci lahaa magaaladaas waxa ay habeenkii isaga baxeen magalaada si iyaga oo ku jira gudaha magaalada aan loo weerarin, laakiin markii Al Shabaab xaqiijiyeen in ciidanka isaga baxeen magaalada ayaa weerar sadax geesood ah ku qaaday magaaladaas.
Waxaa la rumeysan yahay in Al Shabaab ay xiriir la sameeynayeen kooxo ku sugan magalaada dhexdeeda oo hagayay cidankaasn,
Wararka waxa ay tilmaamayaan in weerarkan ay koxoda Shabaab ku dishay dad gaaraya 10 ruux oo isugu jira askar iyo nabadoono, waxaana jira dhaawcayo kale oo dagaalka uu dhaliyay.
Nabadoonada kooxdan ay ku dishay weerarka waxaa kamid ah Nabddoon Cismaan Macalin, Nabaddoon Ibraahim Maxamed iyo Nabddoon Cabdulle Geeljir, Nabadoonadan ayaa ahaa kuwa ugu tunka weyn ee beesha dagta Masagawaay.
Nabadoonada waxaa la sheegay iney ku geeriyoodeen qarax ay fulisay kooxda, iyagoo ku sugnaa guriga ay ka daganaayeen magaalada.
Ciidan uu wato Khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa gurmad ahaan u gaaray goobta xili ay koxoda isaga baxday, waxeyna haatan wadaan uruurinta meydadka dadka weerarkan ku geeriyooday iyo baadi goobka dad kale oo nolol iyo geeri lagu weysan yahay.
Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidamadda dowladda halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.
Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee degaanka Budbud wallow saraakiil xuseen in ay iska-caabiyeen.
Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.