Al Shabaab oo lagu weeraray duleedka degaanka Budbud ee dhawaan la qabtay

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga xoreynta deegaanka ayaa saaka weerar culus ku qaaday Fariisimo al-shabaab ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo shalay lagala wareegay.

Ciidamada ayaa howlgalkaas ku dilay 9 ka tirsan al-shabaab waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Ciidamada xoogga iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah al-shabaab ka wada degaanno katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, kuwaasoo Al-shabaab looga qabsaday degaano badan.

Saraakiisha ciidamada DF ayaa sheegaya iney ku sii siqayaan degaano kale oo ay joogaan Al-shabaab, kuwaasoo ay tilmaameen ineyla wareego doonaan saacadaha soo socda.

Al-shabaabka ku haray gobolada dhexe ee dalka ayaa sida muuqata xaalku ku xun yahay, waxayna u badan tahay in kooxda goboladaas oo dhan haatan ay ka soo dhamaanayaan.