Al-shabaab oo lagu qaadi doono weerarkii ugu cuslaa (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin muxumed Taakooy oo warbahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo ka waddeen degaano ka mid ah gobolka Hiiraan,islamarkaana ay ahaayeen kuwo lagula dagaallamayay Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu wargaliyay in maalmaha soo socda la qaadi doono howlgal weyn oo Al-Shabaab looga saarayo gobolka Hiiraan