Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo kula wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda oo la hadlay Warbaahinta yaa sheegay in weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka Wirkoy ee goobolkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalayahanno ka tirsan Al Shabaab.
Waxaana saraakiishu ay tilmaameen in howlgallaaasi ay kula wareegeen deegaanka Wirkoy iyo toolooyin hoos yimaada ee gobolkaasi Juubada Hoose.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgalladaasi oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku dileen illaa iyo 7 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.