Al Shabaab oo lagala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa weli howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wada dhul ballaaran oo ka tirsan degaannada dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hibka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay howlgal ka sameeeyewn tuulooyin hoos taga deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay la wareegeen degaannadii ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.