Al Shabaab oo lacag baad ah laga siiyo dhismaha wadooyinka Muqadishu iyo Shirkada dhismaha oo la kulantay Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Shirkada lagu siyayay qandaraaska Dhismaha Wadooyinka Muqadishu oo in  mudo ah ay xayiraad ku soo rogeen kooxda Al Shabaab ayaa loo fasaxay in ay bilaabaan dhismaha wadooyinkaas ka dib markii uu kulan qaatay saacdo qaatay  uu ku dhexmaray Al Shabaab iyo shirkada Qandaraaska la siiyaya nawaaxiga degaanka Afgooye.

Dhismaha wadooyinka ayaa in mudo ah u xayirnaa kooxda Al Shabaab ka diab markii ay amar ku soo rogeen  kooxaha qandaraaska lagu siiyay  dhimaha wadooyinka kuwaas oo intooda badan gacansiyo kala duwan horay ugu lahaa magaalada Muqadishu. Dhismaha wadooyinka Muqadishu ayaa waxaa qandaraas lagu siiyay shirkad uu leeyahay Maxamed Abdikarim Gabayre oo ah Gudoomiyha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Daqliga ka soo galo kooxda Al Shabaab magaalada Muqadishu ayaa bilihii ugu danbeeyay cirka isku shareeray ka dib markii ay Al Shabaab  markii u horeeysay ay lacag canshuur ah ay ku soo rogeen dhamaan badeecada ka soo degta Dekada Muqadishu. Canshurta ay Al Shabaab ka qaadaan Dekada Muqadishu ayaa ku salaysan “way-bill”ama nuqulka ay  gacansatadu ku soo iibsatay badeecada.

AL Shabaab ayaa waxa ay awood u heleen in ay dhankooda ka helaan  Xafiisyada dekada nuqulka ay ganacsatadu canshuurta ku siiso dowlada. Taas ayaana keentay in ayan ganacsatada ka been abuuri karin tirada iyo nocyada qalabka iyo badeecada ay ka soo dejiyaan dekada magaalada Muqadishu.

Mid ka mida Ganacsatada Muqadishu ka howlgasha ayaa u sheegaya MOL in ay gabi ahaanba joojiyeen badeecadii ay ka soo dajin jireen dekada Muqadishu maadaama ayan awoodin ay sadax canshur oo kala duwan ay ka bixiyaan badeecada ay ka soo dajiyaan Dekada Muqadishu.