Deegaan Muhiim ah oo Al-shabaab Gacanta U Galay ka dib Markii Amisom kasoo Baxday!!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay Amisom isaga baxaan deegaankaas Cali Fooldheere oo ku dhaw Degmada Mahadaay,waxana la sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Mahadaay.

Kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldhere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa deegankaas la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab inay qabsadeen deegaankaan, ciidankana ay ka soo galeen dhawr jiho oo deegaanka ah.

Al Shabaab ayaa tagay Saldhigyadii ciidamada Amisom ay ka guureen, halkaasi oo la soo sheegaayo iminka inay ka wadaan baaritaan.