Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidammo ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la’aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay weli kama hadlin la-wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka Goofguduud Buureey.