Al-shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan G/Shabeellaha dhaxe

Reading Time: < 1 minute

War deg deg ah  oo naga soo gaaray Gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsa Ururka Al-shabaab ay la wareegen deegano hoostaga degmada Balcad.

Goobjooyal ku sugan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhaxe ayaa waxay inoo sheegen in deeganada Kooreebe, Yaaqle iyo Dhagaxow oo ay soo baneyen Ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo dhawanahan deeganadaasi gacanta ugu haayayay la wareegen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sidokale wararka ayaa  sheegaya in Al-shabaab goob fagaaro ah ay dadka ku sugan goobahaasi kula hadleen, waxaana la sheegaya in dadka ay soo wajahday cabsi xoogan taaasi oo ku aadan in markale dib ugu soo laabtan ciidamada xooga dala halkaasina uu dagaal ku dhexmaro iyaga iyo Al-shabaab.

Maamulka Gobolka Shabeellaha dhaxe iyo kan degmada Balcad wali wax war ah kama soo bixin kaasi oo ku aadan deeganada ay Al-shabaab la waregeen.