Al Shabaab oo ku qasabtay DFS in ay mas’uuliyiinteeda ku aasto guryahooda iyo deegaano aan munaasib ahaynin(Xog..)

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxa la soo daristay culays kaga imaanaya kooxda Al Shabaab kaas oo quseeysa xaabaalaha iyo qabuuraha lagu duugo/aaso dadka ka dhinta dowlada. Dadka ka ka tirsan dowlada ee ku dhinta qaraxyada amaba siyaabo kale u dhinta ayaa loo la’yahay meel lagu duugo/aaso.

Qabuuraha kaliya ee dadka ka tirsan dowlada lagu aasi  jiray ee Shiikh Suufi ee ku yaalo duleedka madaxtooyada waa uu buuxsamay waxaana laga waayay meel dad cusub loogu aaso. Waxaa sidoo kale lagu aasi jiray Isbitaalka Madiina danabadiisa danbe isagana waa uu soo buuxsamay.

Iyada oo qabuuro waweyn oo baanan ay ku yaaliin duleedka magaalada Muqadisho ayaa hadana dowlada Fedaraalka ayan gayn karin meeydkooda. Dowlada oo ka talisa wadada Maka Al Mukaramah oo kali ah ayaan awood u lahaynin in ay qabuuraha saxa ah ay gayso dadka ka dhinta.

Al Shabaab ayaa ku qasabtay Dowlada Fedaraalka in ay mas’uuliyiinteeda ku aasto guryahooda iyo deegaano aan munaasib ahaynin. Dadka ay ka soo jeedaan marxuumiinta la aasayo ayaa dhibaato badan kala kulma halkee ay ku aaasi lahaayeen dadkooda dhinta. Qaarkood ayaa waxaa ay maydkooda ku aasaan hoyga ay ku nool yihiin.

Dowladii awoodi waysay in kuwii dhintay ay si sax oo waafaqsan islaamka  u aasto maxay ka filan karaan kuwa nool? Dalkaan ilaah baa u maqan!!