Wararka anu ka heleyno Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa aya shegaya inta badan bulshada magaalada iyo masuuliyiinta maamulka degmadaasi in ay isaga baxeen Degmada balcad.
Arintan aya imaaday ka dib cabsi soo foodsaartay Dadka degan magaalada iyo madaxda maamulka degmadaasi kuwaasi oo helay xog ku saabsan in Al-shabab ay ku wajahan tahay dhanka Balcad.
Hadal heyn la xiriirta dagaal yahano ka tirsan Al-shabab in lagu Arkayo maanta Degmada gudaheeda ayaa ah hadalada ugu badan ee ay dadka isla dhex marayaan.
Maalinki jimcihi ayay aheyd markii al shabab ay dagaal kula wareegeyn degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyado ciidamada Amisom gaar ahan Burundi ay waxyeelo xogan halkaasi ka so gartay iyado al shabaab ay halkaasi ku kaxeysten agab yiilay xafiisyada degmada iyo qalab idaacad oo halkaasi ku taalo.