Al Shabaab oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday dhawaacyadii ciidanka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii shaley ka dhacay guri ku yaalla magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdicasiis.

Al-Shabaab waxay ay sheegeen in guriga ay weerarka ku qaadeen lagu daweynayay dagaalyahanada Macawisley oo kusoo dhaawacmay dagaallo ay horay ula galeen Alshabaab, kuwaasi oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda sheegtay in 10 qof oo aan waxbo galabsan lagu dilay weerarka halka saddex qof lagu dhaawacay. Sidoo kale dowladda waxay sidoo kale sheegtay in afar askari ay ku dhinteen weerarka.

Qarax xooggan ayaa laga maqlay qarax weyn oo ay xigtay rasaas xoog leh oo ka dhacaysay guri ku yaala magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay sabab u ahaayeen in qaybo badan ka tirsan Gobolka Hiiraan lagala wareego AL-Shabaab.