Wararka ka Imaanaya Koonfurta Mudug ayaa kusoo waramaya inay Maleeshiyaadka Nabad iyo nolal diidka ah Al shabaab iskaga baxeen Deegaanada Gabdhaale Cadaleey iyo Bilxun oo dhamaaan ka tirsan Gobalka Mudug kuwaas oo ka mid ahaaa deegaanadii Maleeshiyadu ku dhibaatayn jireen Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dadka Deegaanadaas uwarbaahinta sheegay inay dhamaan Xaruumo iyo Saldhigyo Maleeshiyaadku kula haayeen Deegaanaas gabi ahaanba haawanaaya.
Maleeshiyaadka Al shabaab ee ku sugan Koonfurta Gobalka Mudug ayaa maalmihii dambe duqeymo xooggan kala kulmayay Ciidamada Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada mareykanka iyadoo ay xusid mudan tahay inay Kal hore baneeyeen Saldhiyadii Ururku ku lahaayeen Degmada Xarardheere