Al-Shabaab oo goor dhaw weerar is-miidaamin ah ku qaaday Bacaadweyn

Reading Time: < 1 minute

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay weerar is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee bartamaha Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Weerarkaas waxaa loo adeegsaday gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawacba leh.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21-aad ee ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in ciidamadii ku sugnaa saldhigaas ay weerarka fashiliyeen, isla markaana inta uusan gaariga qarxay soo gaarin saldhiga gantaal lagu dhuftay.

Sidoo kale saraakiisha noo warantay waxa ay sheegeen in gaariga qaraxa ah ee ay ka hor tageen ay saarnaayeen dagaalyahano doonayey in saldhigga ay ka geystaan weerar toos ah, balse halkaas ay ku wada geeriyoodeen.

Dhankooda waxa uu sheegay sarkaalka nala hadlay in labadii askari ee ka hor tagtay gaariga qaraxa ah ay geeriyoodeen.

Waxaa weli isi-soo taraya wararka ku aadan weerarkaas ay Al–Shabaab kula jarmaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana intaas ka badan kara khasaaraha ka dhashay.