Al-shabaab oo gadiidka Canshuur uga qaado Muqdisho iyo Balcad inta u dhaxeeysa (XOG)

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Degmada Balcad ee gobolka Sh-dhexe lagu arkay rag ka tirsan Kooxda Al-shabaab kuwaasi oo gaadiidka wadadaasi ku safraya ka qaadaya lacag ay ku magacaabeen Canshuur iyagoo u jaraya BOONOOYIN ay ka muuqato astaantooda.

Gaadiidleey ayaa waxaa ay inoo sheegeen in ay iskula socdaan sedax-sedax waxaana ay si cabsi la’aan ah u weeydiinayaan darawalka in uu heeysto warqada Canshuurta ee Al-shabaab iyo inkale iyagoo gaari aan wadan u jaraya.

Wadada xariiriso Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay aheed mid Al-shabaab u go’day islamarkaana laga quustay mariinkeeda,hase’yeeshee in Al-shabaab Muqdisho iyo Balcad inta u dhaxeeysa lagu arko ayaa arin kale oo cusub ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ay fursad wanaagsan u aragtaa Gadoodka ciidanka xoogga dalka iyadoo sameeyneeysa dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay ku dooneeysa in ay ku buuxiso goobaha ay baneeyeen.