Al-shabaab oo gadiid xamuul ah ku gubay gobolka sh/hoose

Reading Time: < 1 minute

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu gubay Gaadiid nooca xamuulka qaado ah kaas oo sida la sheegay siday dhuxul farabadan.

Gaadiidkaas la gubay ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaanada Gaadiidka lagu gubay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in deegaanka lagu Magacabo doonka ay Shabaab ku gubeen laba gaari,hayeeshee mid ka mid ah ay kasoo badbaadiyeen markii ay gurmad ay u sameeyeen.

Waxa uu sheegay in sidoo kale xalay Al-Shabaab ay gubeen laba Gaari oo mid ka mid ah yahay Gaariga loo yaqaano dhenada ay gubeen,isla markaana aysan garaneyn sababta ka dambeysa.

Warkaan kasoo baxay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle weli dhankooda Al-Shabaab kama hadlin,hayeeshee dad ku sugan Afgooye waxa ay sheegeen inay arkayeen holaca ka baxaya Gaadiidka la gubay.