Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay liiska Shaqaalaha Dowlada iyo muran ka dhex dhashay dowlada dhexdeeda

Reading Time: 2 minutes

Kooxda Al Shabaab ayaa waxa ay gacanta ku dhigtay  liiska shaqaalaha dowlada oo buuxa.  Liiska oo ay ku dhan yihiin magacyada iyo faahfaahin dhameystiran oo  ah qofkastoo shaqaale u ah Dowladda Federaalka.

Diiwangalinta ku jira liiska ayaa waxa ka mida; magaca shaqaalaha, magaca hooyada, meesha uu degan tahay,  wasaaradda ama hay’adda/waaxda uu u shaqeeyo iyo mas’uuliyada uu u hayo Wasaaradda.

Liiskaan oo ah mid  ay soo ururisay  Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowlada ayaa waxa uu ahaa mid in mudo ah la soo uruurinayay. Sidoo kale helitaanka liiska oo dhameystiran waxa uu ku koobnaa dad yar oo u xilsaarnaa mamaulka warbixinta Shaqaalaha.

Wali lama oga sida ay AL Shabaab ku heshay liiskaan laakiin  helitaan liiskaan ayaa  waxa uu qatar galinayaa nolasha shaqaalaha dowladda. AL Shabab ayaa markii ugu horeeysay waxa ay og yihiin qof  kastaa oo u shaqeeyo dowlada, teleefanooda gaarka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.

Dowladda Fedaraalka ayaa in mudo ah ka qarinaysay shaqaalaha dowlada in lala wadaago dhiilada soo korortay. Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre  ayaa ka horyimid fakarka in shaqaalaha lala wadaagodareenkaan  isaga oo ku dooday in hadii arintaan lala wadaago shaqaalaha dowlada ay abuuri karto cabsi iyo qal-qal ku yimaada shaqaalaha Dowlada.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo qaar ka mida Shaqaalaha Wasaaraddiisa ku dhinteen weerarkii lagu qaaday wasaaradda kaas oo uu ku jiray Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda ayaa isna dhankiisa ku dooday in ay muhim tahay in shaqaalaha dowlada lala wadaago khatarta jirta si ay uga foojignaadaan isla markaana isku difaacaan.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa diidan in aan marnaba arintaan loo badhigin shaqaalaha dowladda. Arintaan ayaa muran xoog leh ka dhex dhalisay tiro kooban oo ka tirsan Golaha Wasiiradda inkastoo laga qariyay qaar ka mida Golaha Wasariirada iyada oo laga baqaayay in ay la wadagaan khatarta la soo daristay shaqaalahooda.

Qaar ka mida Wasiirada ayaa ku dooday in ay muhim tahay in ay dowlada waqti galiso sidii lagu ogaan lahaa cidii bixisay sirta qaranka si maxkamad loo saaro intii waqti lagu lumin lahaa in shaqaalaha dowlada laga qariyo khatarta ay ku jiraan.

AL Shabaab ayaa asbuucyadii la soo dhaafay waxa ay miinooyinka lagu dhajiyo gawaarida  raaxida ay ugu xireen dad badan oo ka mida shaqaalaha dowalada. Arintaan ayaa waxa la rumeysan yahay in ay la xiriirta liiska ay kooxda AL Shabaab gacanta ku dhigtay.

Dadka qaar ayaa qabo in ay lama huraan tahay in dowlada Soomaaliya ay xil iska saarto sidii loo ilaalin lahaa amniga  iyo nolsha shaqaalaha dowlada. Mid ka mida Qareenada Soomaaliyeed eek u nool qurbaha ayaa yiri “Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa mas’uuliyadeeda qadaya qofkastaa oo shaqaala ah oo la dilo madaama ay Xumakadiisa bixisay liiska Shaqaalaha”. Waxa uu intaas ku daray “ waa in dowlada Soomaaliya sameeysaa baartiaan dhaqso oo ay maxkamad soo taageen dadkii ka danbeeyay bixinta liiska taas oo khatar galisay nolosha kumanaan kun oo dowlada u shaqeeya”.