Al-shabaab oo Gaari Qaad/jaad Siday ku rasaaseeyay Gobolka Hiiraan Iyo Qasaaro kala Duwan oo ka dhashay!!

Reading Time: < 1 minute

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey Gaari qaad u siday degmadaas oo gelinkii dambe ee Maanta lagu rasaaseeyey duledka degmada Jalalaqsi.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in Gaariga uu qaadka ka keenay Magalada Jowhar,isla markaana uu ku wajahnaa degmada Jalalaqsi balse markii uu dhawaa degmada ay rasaas ku fureen.

Waxa uu sheegay in rasaastaas ay ku geeriyoodeen laba ruux mid kalena ay ku dhaawacmeen,sidoo kalena ay wateen Gaarigii iyo Shaqsi la socday.

Waxa uu sheegay in goobtii wax ka dhaceen ay tageen kana soo qaadeen ruuxii rasaastaa sku geeriyooday.

Si kastba arrintaan ayaa ku soo aadeyso xilli Maalma ka hor Gaari qaad siday ay Al-Shabaab ku rasaaseeyeen deegaan lagu Magacaabo Ilbiq oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad.