Al Shabaab oo digniin u dirtay oday-dhaqameedka Soomaaliyeed

Reading Time: < 1 minute

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee koox Al-shabaab ayaa waxa digniin  loogu diray odoyaashii ergooyinka ahaa ee soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab ayey ku sheegeen in laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 15ka July ilaa 1da September ay heystaan Odayaasha in ay isaga diiwaangeliyaan meelaha ay ka taliyaan Al-shabaabDigniinta oo lagu qoray Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa lagu sheegay in ergooyinkaasi ay ku dhaceen fal-gaalnimo ah waxaana Al-shabaab u qabatay mudda 45 cisha ah in ay ka toobad keenaan islamarkaana iska diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Al-shabaab waxay ergooyinka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku eedaysay in ay gun-dhig u noqdeen in dalka laga hirgeliyo maamulo ku dhisan Dastuur aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka oo horseedaya in gumeysi la geliyo Soomaaliya.

Waxa kaloo Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan ergooyinkaasi oo aan ka faa’idaysan mudada 45 maalmood ah ee loo qabtay in ay iska soo diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab.