Al-shabaab oo dhaq dhaqaaqyo howlgal xoogan ka wada degaanka Wisil

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degaanka Wisil  oo ka tirsan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab laba jiho kaga sii siqayaan degaankaas. Dagaallamayaal hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan saacadihii la soo dhaafay laba dhinac kaga durkay degaanka Wisil.

Al-shabaab ayaa maalmihii u danbeeyay abaabul ciidan ka wadday dhulka ku xeeran Wisil islamarkaana waxa cabsi laga dareemay halkaas. Ciidamo degaanka ah ayaa sidoo kale la sheegay in ay diyaar-garow ugu jiraan difaaca Wisil maadaama aysan weli garab ka helin Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.