Al-shabaab oo Deegaano Muhiim ah Lagala Wareegay ka dib Dagaal!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose kula wareegay degaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Hawlgaladan ayaa la sheegay in ay bilawdeen saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ay ku qaadeen degaanna ku teetsan degmada Jamaame, iyagoo gacanta ku dhigey dhammaan degaannada hoosyimada degmadaasi.

Degaanada ay ciidamadu la wareegen waxaa ka mid ah Bangiini, Maana muufo iyo Koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah la taliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhanka ammaanka ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlgalada ciidamadu ay ka fuliyeen degaanadaasi.

“Hadda maanta Koban baa la joogaa ciidanku Baar-sanguuni wuu ka tagay, hawlgalkaasi gurmadkiisa iyo u diyaar garowgiisii iyo ciidankii horaydaasi jira hada waxay soo gaaraan u gurmashadooda ka mid bay ahayd, hadana wax khasaare ah 2 will oo dhaawac ayaa naloo sheegay, iyagana 5 qof ayaa laga dilay mooto ay wateen waa laga qabsaday, hoobiyeyaal in ay soo ridayeen baa la ii sheegay”. ayuu yiri Yuusuf Dhuumal.

Al Shabaab ayaa la sheegayaa in gabi ahaanba iskaga baxeen degmada Jamaame kadib markii ciidamadu ay labo jibaareen weeradada ka dhanka ah Al Shabaab taas oo keentay in ay iskaga baxaan guud ahaan degmada Jamaame iyo tuulooyinka hoostaga