Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug, ee qaybta Galmudug ayaa sheegya in Ururka AL-shabaab ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Dhag-haye oo ka tirsan deegaannada hoos taga degmada Hobyo gobolka Mudug.
Ururka AAL-shabaab ayaa ku sheegay warbaahintooda in ay deegaanka Dhag-haye kula wareegeen si nabdoon sida ay ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda ay ka isticmaalaan baraha bulshada islamarkaana halkaas ciidamadii joogay ay iskaga baxeen ee ka tirsanaa kuwa Galmudug.
Dhanka kale ururka AL-shabaab ayaa sheegtay in ay dhowr deegaano oo ka tirsan gobolka Mudug ay la wareegeen tan iyo markii uu dhacay dagaalkii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug iyo AL-shababaab ku dhex maray Bacaadweyne ee ka tirsan gobolkaas.