Ka dib markii Al Shabaab laga qabsaday deegaanka Dalxiiska ee Budbud ayaa waxa ay dib u bilaabeen Al Shabaab inay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah balse Ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa iska caabiyay dagaalka gaadmada ah oo ay Al Shabaab soo qaadeen.
Dhanka kale kale ciidanka Danab ayaa dhankooda howlgalo balaaran kawada howdka deegaanka Bud-bud, halkaas oo la rumeesan yahay in ay ku dhuumaaleesanayaan xubno katirsan Al Shabaab.
Goobaha ay Danab iyo ciidamada la socda howlgalka ka sameeyeen ayaa la sheegay in ay wali Al Shabaab ku dhuumaleysanayaan iyada oo qaarkale isaga carareen halkaasi. Waxa ayna ciidamada wadaan howglada ay doonayaan in Al Shabaab kaga saaraan aagaasi.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali , ayaa sheegay inay kuraad joogaan firxadka horjoogayaal iyo xubno katirsan Al shabaab, kuwaas uu sheegay in at ku dhumaaleysanayeen deegaano ku dhow degmada ceelbuur.
Ciidamada huwanta ah ayaa qorsheenaya howlgalo culus ay ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo hoostaga halkaas oo wali ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab ee duullaanka lagu yahay.