Al-shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan Muhiim u ah kenya!!

Reading Time: < 1 minute

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaano muhiim ah oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaal saacado qaatay oo ka dhacay Jubbada Hoose.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal saacado qaatay kula wareegay deegaanka DAG-CADAY oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Kenya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Al-Shabaab oo hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka oo ciidamada Jubbaland ku sugnaayeen, waxaana kadib Al-Shabaab u suurogashay inay qabsadaan deegaanka.

Al-Shabaab ayaa markii ay la wareegeen deegaanka kadib waxay fagaaro kala hadleen dadka deegaanka, waxaana ay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan masuuliyiinta Al-Shabaab.

Deegaanka ay la wareegeen Al-Shabaab ayaa ah deegaan ku dhow degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna xigaa dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa difaac u ahaa ciidamada dowladda Kenya, waxaana deegaankaasi iyo deegaano kale ku sugan ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.