Al Shabaab oo dagaal gaadmo ah ku qaaday deegaanka Hilowle Gaab

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo malayshiyaadka Alshabab, kaasoo saaka waabarigii ka qarxay degaanka Hilowle Gaab ee gobalka Shabellaha dhexe.

Koox Shabaab ah oo si aad ah isu soo abaabushay ayaa xiligii salaada subax ee saaka weerar culus ku qaaday deegaankaas oo hoostaga degmada Runirgood, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay qaraxyo.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay iney ku dishay saraakiil iyo askar daacad u ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, kuwaasoo ahaa ciidankii deegaanka gacanta ku hayay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saartay dowladda, waxaana gurmadyo ka baxay Runirgood ay u jiheysteen deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Si kastaba, Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday Al-shabab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud