Ururka Al Shabaab ayaa weerar culus fiidnimadii caawa waxa ay ku qaadeen magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose oo 19-kii bishan ay la wareegeen ciidan uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka General Cabdullaahi Cali Caanood.
Dadka degaanka ayaa waxa ay Dhacdo.com u sheegeen in casir liiqii maanta ay arkeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo u jiheystay dhanka magaalada Marko.
Shabaabka weerarka qaaday oo tiro ahaan lagu sheegay 100 qof ayaa waxa ay magaalda Marko ka weerareen dhanka Jillib-marka iyo Ceel Xaaji, iyaga oo dagaal xoogan la galay ciidanka dowladda federaalka.
Guddoomiyaha magaalada Marko Xasan Macalin Cumar ayaa wuxuu sheegay in ciidanka dowladda ay iska difaaceen Shabaabka weerarka soo qaaday, maadaama ay ka war hayeen in weerar lagu soo yahay.
Gudoomiye Cumar ayaa beeniyay in qeyb ahaan magaalada ay la wareegeen xoogaga Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay caawa wadaan hawlgal lagu baadigoobayo xubnaha weerarka soo qaaday.
“Nimanka cadowga ah ayaa magaalada caawa soo weeraray, dagaal culus ayaa na dhexmaray, waxay ka soo galeen nimanka Jillib-marka, ciidamada oo feejigan, kana war hayay weerarka ayaa iska difaacay cadowga, wax khasaare ah oo na soo gaaray ma lahan dhankeena, ciidamada ayaa bilaabay hawlgal amni xaqiijin ah”. Ayuu yiri Gudoomiyaha Marko.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay tilmaameen inaanay wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalkan, waxayna sheegeen taas bedelkeeda inay khasaase gaarsiiyeen ciidamada Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo Boolis ah waxa ay shalay geysay magaalada Marko, kuwaasi oo ka shaqeynaya ammaanka magaalada iyo sidii shacabka ay dib ugu soo laaban lahaayeen shacabka ku barakacay dagaalada.