Al Shabaab oo dagaal gaadmo ah kadib dib u qabsatay Budbud

Reading Time: 2 minutes

Dagaal aad u culus ayaa shalay galinkii danbe ka dhacay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku soo qaaday ururka argagaxisada Al-Shabaab.

Weerarka Al Shabaab soo qaadeen ayaa ahaa mid la saadaalinayay laakiin xiliga ay soo qaadeen ayaa noqday xili cusub taas oo keentay in ciidamadii halkaa ku signaa la soo gaado.

Kooxda Al Shabaab ayaa dagaalka soo qaaday xili galab ah oo ku beegan 3da galabnimo, xiligaas oo ahaa xili la kala wareejinayay Ciidanka iyo gaadiidka dagaalka.

Markii dagaalku bilowday waxaa hawada ka baxday isgaariisnta Budbud iyo deegaanada u dhow, dagaalkii  bilowday galabta Casirkii ayaa soo gaaray Afurkii, waxaana dhacay dagaal labada dhinacba uu khasaare culus ka soo gaaray.

Sida ay sheegayaan Warar hordhac ah Ciidanka dowlada ayaa Waxaa halkaas ka soo gaaray.

Al Shabaab ayaa saaxado kooban heystay Budbud iyaga oo Ciidanka dowlada ay dalbadeen taageero dhulka iyo cirka ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka qabsadeen Ciidanka dowlada hub iyo gawaarida dagaalka.

Wali ma cada in ciidanka dowladda ay xalay dib ula wareegeen deegaankii lagu dagaalamay ee Budbud. Laakiin waxa jira Warar sheegaya in Ciidanka ka soo baxay Budbud ay gaareen deegaano ku dhaw Budbud.

Dhanka kale, qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.”

“Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.”

Sida ay saraakiil ku sugan furimaha u sheegeen warbaahinta, Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo wata ciidan xoog leh ayaa caawa la filayay inay  ku biiray dagaalka.

waxaana ama Kaabe iyo la yaab noqotay in Al Shabaab soo weeraraan degaanka Bubud kadibna qabsadaan iyada oo ay halkaas ku sugnaayeen  Ciidan dhan laba guuto oo oo isugu jira militeriga dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Waxaa dagaalka maanta ka maqnaa saraakiil ay ku jiraan Korneyl Saney Cabdulle oo xiliga dagaalka ku sugnaa degaan Cali Axmad.

In kastoo labada dhinac aysan weli shaacin wax khasaare ah dagaalkuna uu soo gaaray xakay maqribkii, hadana xogaha hoose ayaa  sheegaya inuu jiro khasaare baaxad leh, maadaama aan dagaalka waxba la isku reeban oo labada ciidan ee Shabaab iyo dowladda ay is dhex galeen aadna isku laayeen.